Madaxwaynaha Algeria oo Imaaraadka kutilmaamay “Umuliso yar”

68

Madaxweyne Abdelmadjid Tebboune ayaa si cad u dhaleeceeyay Imaaraadka Carabta, isagoo ku tilmaamay “Umuliso yar” isla markaana ku eedeeyay faragelin doorashooyinka iyo arrimo kale oo uusan faahfaahin.

Tebboune wuxuu cadeeyay in Algeria ay xiriir wanaagsan la leedahay dalal badan oo Carabta iyo caalamka ah, marka laga reebo waddankan yar ee uu tilmaamay, “Umuliso yar” isagoo aan magaca Imaaraadka si toos ah u sheegin.

Dhinaca Libya, madaxweynaha ayaa sheegay: “Wax kasta oo Libya ka dhaca, waxay saamayn ku leeyihiin Algeria,”

Wuxuuna adkeeyay muhiimadda in Libiyanku ay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda iyo cidda matalaysa, isagoo xusay muhiimadda doorashooyinka baarlamaanka sida ay ku talisay Qaramada Midoobay.

Marka laga hadlayo Masar, Tebboune wuxuu xusay in xiriirka labada dal uu ku fadhiyo ku dhawaad 70 sano oo wada shaqeyn ah, isagoo xasuusiyay taariikhda labada dal iyo taageerada labada dhinac, wuxuuna yiri:

“Wax kasta oo Masar wax u dhaca, waxay nagu saamaynayaan, mana aqbali doono weerar lagu soo qaado.”

Sidoo kale, wuxuu xiriirka Algeria la leedahay Qatar, Kuwait, iyo Sacuudi Carabiya ku tilmaamay mid “ka badan walaaltinimo,” isagoo intaa ku daray: “Wax kasta oo Sacuudi Carabiya ka dhaca, waxay saamayn ku leeyihiin Algeria.”

Madaxweynaha Algeria ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay isagoo xusay in Algeria ay diyaar u tahay inay sii waddo kaalinteeda degenaansho iyo samafal gobolka iyo caalamka.