
Go’aan maamul oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa 12 kulan laga joojiyay ka-qeybgalka kulamada wadajirka ah ee labada Gole Senator Ibraahim Awgaab Cusmaan.
Go’aankan ayaa ka dambeeyay qalalaaso iyo ku xadgudub Xeerhoosaadka Golaha Aqalka Sare oo uu Senator-ku ku kacay intii uu socday kulan wadajir ah oo ay labada Gole yeesheen, kaas oo qabsoomay 7-dii Febraayo, 2026.




















