C/raxmaan C/shukuur iyo Sanyare oo laga mamnucay kulamada Baarlamaanka

104

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa caawa soo saaray go’aan rasmi ah oo xildhibaanno kale uga joojinayo kulamada baarlamaanka.

Xildhibaannadan oo tiradoodu gaareyso 6 mudane ayaa laga joojiyay ka-qaybgalka 12 kulan oo ah fadhiyada wada-jirka ah ee labada gole, iyo fadhiyada kale Golaha Shacabka oo ka bilaabanaysa maalinta berri ah.

Xildhibaanadan oo ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayuu guddoonka sheegay inay ku lug lahaayeen qalalaasihii ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal ay yeesheen Sabtidii.

“Iyadoo la tixgalinaayo xaaladaha amniga, iyo in aysan soo noqon fowdo iyo carqaladeyn kale ee ka dhaca Golaha, kuwaas oo si toos ah u halis gelinaya badqabka Xildhibaannada, shaqaalaha Golaha Shacabka, iyo hannaanka gudashada waajibaadka Golaha Shacabka waxaa kulamada laga joojiyay xildhibaannadan.”

Go’aankan ayaa imanaya xilli maalinta berri ah ay Mudaneyaasha labada Aqal ee baarlamaanka u ballansan yihiin kulan ay kaga doodayaan wax ka beddelka dastuurka, kaas oo gadaal ka riixayso Villa Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda, iyadoo Guddoonka baarlamaanka uu horey kulamada baarlamaanka uga joojiyay xildhibaanno badan, kuwaas oo kasoo horjeeda in lasii wado wax beddelka dastuurka.

Wax ka beddelka dastuurka ayaa sidoo kale waxaa si adag u diiday xubnaha mucaaradka iyo hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland oo dhawaan uu Madaxweynaha Soomaaliya wada-hadallo ugu yeeray Muqdisho, iyadoo sii socoshada qorshahan uga sii darayo xiisadda siyaasadeed ee dalka.

Hoos ka aqriso magacyada Xildhibaannada laga joojiyay kulamada baarlamaanka:

Xil. Abdirahman Abdishakur Warsame
Xil. Abdiladif Muse Nur (Sanyare)
Xil. Abdikadir Hussein Abdi (Uurdoox)
Xil. Said Dahir Ismail
Xil. Ahmed Abdi Koshin
Xil. Abdishakur Ali Mire