Dagaal xalay kadhacay Garoowe

84

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay iska horimaad xalay ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Booliska Puntland iyo maleeshiyaad hubeysan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen ciidanka amniga iyo maleeshiyaad waday ‘hub laga soo dhacay magaalada Laascaanood’ waxaana kadib dagaal toos ah uu dhex-maray labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dableyda hubeysan ay hubka geeyeen goob Cirtoogte ah oo ku taalla bartamaha Garoowe, waxaana meesha ugu tegay ciidamada amniga, kadibna waxaa sidaas ku bilaabatay israsaaseynta.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhaawacmeen wiil iyo gabar kamid ah dadka deegaanka, kuwaas oo ka agdhowaa goobta ay wax ka dhaceen.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen saddex nin oo la tuhusan yahay inay ku lug leeyihiin dhacdadaasi oo xalay laga dareemay magaalada Garoowe.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan shaqaaqadaasi, waxaana saaka xaaladdu ay tahay mid deggan.

Garoowe ayaa waxaa marar badan ka dhacay dagaallo ciidanka dhexdooda ah iyo kuwa kale oo lagula dagaalamay maleeshiyaad hubeysan, waxayna gaysteen khasaare soo gaaray shacabka iyo burbur hantiyeed.

Maalmo kahor ayay ahayd markii ay isku dhaceen Ciidamada Booliska iyo kuwa ka tirsan Daraawiishta oo weeraray saldhigga dhexe ee Garoowe, halkaas oo ay askarta weerarka qaaday doonayeen inay kala baxaan laba nin oo lasoo xiray, inkastoo markii dambe arrintaasi xal laga gaaray.