Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal ayaa maanta dood adag waxay ka leeyihiin wax ka badalka Dastuurka dalka xili Madaxweyne Xassan uu aad u doonayo in la meel mariyo dastuur dhameystiran madaama hada mudo lagu soo shaqeynayay dastuur qabyo ah.
Xildhibaanada Labada Aqal waxay si gaar ah maanta uga doodayaan cutubka 6-aad ee Dastuurka iyadoo xildhibaanadu meelaha qaar ku kala aragti duwanaadeen sida in qodob ka mid ah kuwa wax ka badalka oo la rabo hada in lagu soo daro dastuurka sida qodobka qeexaya in Madaxweynuhu kala diri karo Baarlamaanka.
“Dhibaato hor leh yaan hada naloo horseedin, albaab aan la xiri karina yaan la furin, Baarlamaanka maalin walba la kala diro ” ayuu yiri Sanatar C/kariin Macalin Axmed oo ka mid ahaa xubnihii dooda ka qeybqaatay isagoo diidan qodobka ah in Madaxweynuhu kala diri karo Baarlamaanka.
Sanatar C/qani Geelle ayaa halis cusub ku tilmaamay qodobka qoraya in Madaxweynuhu kala diri karo Baarlamaanka,wuxuuna soo jeediyay in arrintaasi dib loogu laabto.
Sidoo kale qodobada aad looga dooday maanta waxaa ka mid ah in la kala saaro xilalka Wasiirada iyo Xildhibaanada oo masuulka haduu yahay Xildhibaan Qaran aan loogu sii darin xil wasaaradeed madaama xildhibaanku yahay la xasaabtamaha wasiirada .
Xildhibaan Maxamed Haaruun ayaa soo jeediyay in la kala ilaaliyo isku milmaan wasiirada iyo xildhibaanada isagoona tusaale u soo qaatay in xitaa dalalka ugu dadka badan dunida kuwaasoo kala ah Shiinaha iyo India isagoona xusay inaysan ku dhaqmin xildhibaanada iyo Baarlamaanka oo ayna u kala yihiin labada Hay’ad
Sanatar Cabdiqani Geelle wuxuu carabka ku adkeeeyay inaaney jiri karin qaab loola xisaabto xukuumadda hadii ay isku qasan yihiin sida hada jirtaba oo Wasiir iyo Xildhibaan uu shaqsi isku yahay.




















