DAAWO Koofur Galbeed oo hakisay wada-shaqeyntii dowladda Federaalka

26

Maanulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa hakiyay wada shaqeyntii ay la lahayd Dowladda Federaalka sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay maamulkaasi.

War-saxaafadeedkan oo uu goor dhaw u akhriyay warbaahinta Afhayeenka dhawaan la magacaabay ee Maamulkaas Ugaas Xasan ayaa sababta ku sheegay in madaxda dowladda ay duulaan cad kusoo qaadeen maamulkaasi.

Arrimahan ayaa salka ku haya khilaafka soo cusboonaaday ee u dhexeeya madaxeyne Xasan iyo madaxweyne Lafta-gareen, iyadoo Villa Soomaaliya ah ku fashilantay dhowr isku day oo ay qaaday si ay Baydhabo uga qabsato Lafta-gareen.

Haatan, safka madaxweyne Xasan waxaa kusoo haray oo kaliya maamulada Galmudug iyo Hirshabelle.