Gudoomiye Aadan Madoobe oo ku wajahan Baydhabo.

26

Xaaladda magaalada Baydhabo ee saakay ayaa ah mid degan, iyadoo ay dib ugu soo laabanayaan shacabkii horay uga qaxay guryahooda kadib markii meesha laga saaray xiisadihii amni.

Dhanka kale, waxaa saakay ku wajahan magaalada Baydhabo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh, iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.

Socdaalka mas’uuliyiintan ayaa la filayaa inuu la xiriiro xaaladda guud ee amniga iyo arrimaha maamulka ee ka jira magaalada.

Madaxweynihii 7-dii sano ee lasoo dhaafay maamulayay magaalada Baydhabo ayaa gelinkii danbe ee shalay diyaarad ka raacay garoonka isagoo xalay ka dagay magaalada Nairobi.