
Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta, Mahad Cabdiraxmaan (Shub) oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta.
Shub oo muddo toddobaad ah xabsi guri ugu jiray qorshaha siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh ka damacsanaa Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Madaxweynaha uu awooddii dowladnimo uga saaray gurigiisa.
“Guryaha anaa dhistay oo iska lahaa, haddana amar Xasan Sheekh ayaa uga guuray,” ayuu yiri Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu weerar afka ah ku qaaday Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta, isagoo sheegay inuu yahay nin ku sifoobay beegsi qabiileysan iyo gumaadka beelo gaar ah.
“Waxyaabaha gumaadka ahaa ee qofkan qabiil hebel ma yahay dhihi jirtay, ileen booliska isla joognee ku samee dadka kula jooga ee magaca ila sheeganayo, waa dadka halkaan soo gaarsiiyay asluubta,” ayuu yiri.
Mahad ayaa iska fogeeyay inuu qaatay hanti ay lahayd asluubta, isagoo ku faanay inuu dhaqaale geliyay dhismaha ciidanka Asluubta, oo uu sheegay in dayac baahsan ka muuqday markii uu la wareegay.
“Waxaa qabtay umadda wey ogtahay, ninkii inecebna ogaansho kama rabi. Meel dheer in aan Asluubta geeyay oo wax badan qabtay waa la ogyahay,” ayuu yiri Taliye Shub.
Ugu dambeyntiina, wuxuu sheegay in sunaha dowladnimada ay tahay xil ka qaadista iyo magacaabista, isla markaana dib loogu magacaabi karo hoggaanka asluubta, taas oo uu sheegay in uusan wax badan ka odhanayn.
“Dowladda i bedeshay, shalay dowladda i geysay oo sluubta tag i tidhi, ka tag maalinta la dhihi lahaa-na wey horeysaa tii ayaa tan ah. In aan kusoo noqdo ayaa laga yaabaa, waa iska shaqo dowladeed, ma fara-gelinaayo,” ayuu yiri Mahad Shub.




















