
Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, iyadoo loo diyaar garoobayo soo dhawaynta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Mas’uuliyiinta gaaray Baydhabo waxaa ka mid ah taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, taliyaha Ciidanka Badda, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur Shuute, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Cismaan Cabdullaahi, Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adaha amniga dalka.
Imaanshahooda ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga safarka Madaxweynaha iyo hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, kuwaas oo la filayo inay maanta gaaraan Baydhabo si ay uga qaybgalaan kulamo muhiim ah oo ka dhici doona magaalada.
Dhanka ammaanka, magaalada Baydhabo waxaa si weyn loogu adkeeyay, iyadoo waddooyinka waaweyn iyo goobaha istaraatiijiga ah lagu arkayo ciidamo kala duwan oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo sugaya amniga madaxda sare ee dalka.
Tallaabooyinkan ayaa muujinaya muhiimadda safarka Madaxweynaha, isla markaana ay ka tarjumayso dadaalka dowladda ee lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida goobaha ay ka dhici doonaan kulamada, iyadoo Baydhabo ay weli tahay xarun muhiim ah oo istaraatiiji ah oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.




















