Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Baydhabo + Sawirro

31

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa waxaa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed, guddoomiyaha Golaha Shacabka, mas’uuliyiin kale oo heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah iyo boqolaal ka mid ah shacabka Baydhabo.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee magaalada Baydhabo ayaa daaran dardargelinta adeegyada bulsho ee loo hayo shacabka deegaanka, xoojinta nabadda iyo dib u heshiisiinta, adkeynta geeddi socodka dimuqraadiyeynta, gurmadka abaaraha iyo horumarinta dowladnimada.

Xasan Sheekh ayaa kulamo la qaadan doonaa hoggaanka KMG ah ee dowlad goboleedka, odayaasha dhaqanka, Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa Daraawiishta iyo qeybaha bulshada.

Kulamadan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa adkeynta amniga, socodsiinta adeegyada dowladnimo ee bulshada loo hayo iyo hirgalinta doorashooyinka qof iyo cod, si loo xaqiijiyo himmilada shacabka soomaaliyeed ee nabadda, xasilloonida iyo horumarka waara.

Ciidanka Dowladda Federaalka oo gacan ka helaya kuwa taabacsan mucaaradka ee la baxay Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa Isniintii awood milatari kula wareegay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Dowladda Federaalka ayaa hadda ka shaqeynaysa sidii ay bishan gudaheeda maamulka Koonfur Galbeed uga qaban laheyd doorasho qof iyo cod ah, hanaankaas oo ah midka ay isku seegeen Lafta-gareen, ayna si adag u diidan yihiin mucaaradka.