Nin Somali ah oo dilay Hooyadiis.

29

Somali 35 jir ah oo Magaciisa lagu soo koobay Yaxye ayaa la soo sheegayaa inuu hooyadiis oo 60 sano jir ku dilay Xaafada Islii Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya xili Soomaalida arintaani ku noqotay anfariir iyo naxdin.
Gacan ku dhiiglaha waxaa la sheegay inuu jir dilay hooyadiis ka hor inta uusan qoorta kaga dhufan fargeetada qashinka lagu qaado oo ay u dhimatay,dadka yaqaan ama dariska la ahaa gacan ku dhiigle Yaxye waxay sheegeen inuu yahay daroogiiste taasina ay tahay mida ku sababtay inuu hooyadiis gacantiisa ku dilo.
Arinta kale oo Soomaalida ka yaabisay ayaa ah in hooyada ayba sariif jiif tahay oo baraleys ay tahay ama qof curyaan oo kale ah sidaas ay tahayna daroogada ay tustay inuu ka taqaluso.
Ciidamada Booliiska oo gacanta ku soo dhigay Yaxye ayaa hada waxay su’aalo ka weydiinayaan dilka ,waxa ku kalifay iyosu’aalo kale si ay xig fiican uga helan dilkaani madaama ay dhici karto waxyaabo aan hada muuqan inay soo baxaan.