
Golaha Amniga Qaranka ee dalka Ruushka ayaa soo saaray digniin caalami ah oo aad u culus, iyagoo si cad u sheegay in diblomaasiyadda uu Maraykanku wado ay tahay “Gabbaad” (Cover) lagu qarinayo qorshe milateri oo ka weyn inta la filayo, kaas oo kuwajahan dalka Iran.
Sida laga soo xigtay Moscow, ujeedka dhabta ah ee Maraykanka ee wada-hadalladan Pakistan ayaa ah in ay helaan waqti iyo marmarsiiyo ay ciidamo aad u tiro badan isugu keenaan gobolka Barriga Dhexe, si ay u qaadaan duullaan dhinaca dhulka ah (Ground Invasion) oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Iiraan.
Digniintan ayaa macno u samaynaysa dhacdooyinkii u dambeeyay, diidmadii Iiraan ee shuruudihii Maraykanka, markabkii Shiinaha ee jabiyey xayiraadda iyo hadalkii lama filaanka ahaa ee Trump, dhammaantood hadda waxay u muuqdaan shax (chess) lagu diyaarinayo dagaal weyn oo fool-ka-fool ah, halkii ay ka ahaan lahaayeen tallaabooyin nabadeed.
Haddii xogtan Ruushku ay dhab tahay, waxay ka dhigan tahay in qarka loo saaran nahay dagaalkii ugu khasaaraha badnaa ee soo mara Bariga Dhexe tobanaan sano, soo faragelinta Ruushku waxay sidoo kale u tahay dhiirigelin Iiraan, taas oo iyaduna dardargelin karta diyaargarowgeeda difaaca, dunidu hadda ma ahan mid sugeysa nabad, saacadda uu qarxi doono dagaalka weyn ee dhulka ayaa ah filashada weyn, sida ay qabaan Falanqeeyayaasha reer galbeedka.



















