
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xilliga ay dhaceyso doorashada isku sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee maamul-goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle.
Guddiga oo maanta qabtay shir jaraa’id ayaa shaaca ka qaaday in 13-ka bisha May ay tahay maalinta loo qorsheeyay in deegaannada maamullada Galmudug iyo HirShabelle ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, taas oo noqonaysa mid si toos ah ay dadweynuhu ugu codeynayaan wakiilladooda.
“Shir ay maanta yeesheen dhammaan xubnaha guddiga doorashooyinka, ugana doodayeen qorshaha dhameystirka iyo qabashada doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha deegaanka dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo midda golaha deegaanka ee Waqooyi Bari, wuxuu soo saaray jadwalka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashooyinka.
Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay in uusan wax isbeddel ah ku iman jadwalkii doorasho ee hore loo shaaciyay ee maamulka Koonfur Galbeed, ayna doorashooyinka isku sidkan ka dhici doonaan maamulkaasi 28-ka bishan April.
Halka doorashada golaha deegaanka ee maamulka Waqooyi Bari ay qabsoomi doonto 30-ka bisha June, maadaama uu leeyahay maamul dhameystiran oo leh golihiisa wakiillo iyo xukuumad, sida uu sheegay guddiga.
“Dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed waxaa ku boorinaynaa inay ku biiraan ururrada siyaasadda, una tartamaan dhammaan goleyaasha kala duwan ee la dooranayo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka guddiga doorashooyinka.
Sidoo kale, guddiga ayaa ku wargeliyay ururrada siyaasadda inay soo dhameystiraan liiska musharraxiinta golaha wakiillada, degmooyinka, iyo weliba wakiilladooda goobaha doorashooyinka uga hawlgalaya.
Si kastaba, Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in xildhibaannada ku soo baxa doorashooyinka maamullada ay doortaan hoggaamiyeyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, xilli uu muran xooggan ka taagan yahay hanaanka ay ku yimaadeen guddiga doorashooyinka iyo muddo-xileedka Dowladda Federaalka Soomaaliya.




















