Xoghayihii Ciidanka Badda ee maraykanka oo is csilay

24

Pentagon ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah, kadib markii Xoghayaha Dagaalka ee Mareykanka Pete Hegseth uu si degdeg ah xilka uga qaaday Xoghayihii Ciidanka Badda, John Phelan.

Go’aankan degdegga ah ayaa yimid xilli xiisado gudaha ah ay ka jireen hoggaanka milatariga, iyadoo ku-xigeenkii xoghayaha Ciidanka Badda, Hung Cao, loo magacaabay inuu si ku-meel-gaar ah ula wareego xilka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in khilaaf xooggan uu ka dhex qarxay Hegseth iyo Phelan, kaasoo la xiriiray habraaca amar kala qaadashada (chain of command), iyadoo la tilmaamay in Phelan uu ku dhaqmayay awood ka baxsan nidaamka rasmiga ah. Arrintan ayaa la sheegay inay sii xumaatay xilli United States uu wajahayo caqabado la xiriira howlgalada badda ee ka dhanka ah Iran.

Sidoo kale, xiriirka dhow ee ka dhexeeyay Phelan iyo madaxweynaha Mareekanka Donald Trump ayaa lagu tilmaamay mid laba dhinac leh—inkastoo uu siiyay kalsooni siyaasadeed, haddana wuxuu sababay tuhun ku saabsan inuu ka sarre maro amarada tooska ah ee ka imaanaya wasaaradda difaaca.

Ilaa hadda, Pentagon-ka si rasmi ah ugama uusan hadlin sababta rasmiga ah ee xil ka qaadistan, balse falanqeeyayaal ayaa aaminsan in tallaabadan ay muujinayso dadaal lagu xoojinayo nidaamka amar kala dambeynta ee ciidamada Mareykanka, gaar ahaan xilli ay jirto xiisad milatari oo sii kordheysa.