Taliyihii Ciidamada Jabuuti oo loo magacaabay Safiirka Jabuuti ee Somalia.

23

 

Warar ku dhaw dhaw Dowlada Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu u soo magacaabay Somalia safiir cusub oo dhawaan Muqdisho loo soo dirayo si uu u badalo safiirkii hore.

Safiirka cusub oo magaciisa lagu sheegay Col. Cusmaan Dubad ayaa hore Somalia uga howlgalay isagoona mar soo noqday Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee ka howlgala Gobolada dalka qaarkood sida Hiiraan balse markaan waa diblomaasi wakiil uga noqon doona Salkiisa Somalia.

Dowlada Jabuuti ayaa maalmaha soo socota waxay sagootin u sameyn doonaan Danjirre Col. Cusmaan Dubad markaasoo uu u soo safri doono Muqdisho si uu Madaxweyne Xasan ugu wareejiyo warqada aqoonsigiisa Danjirenimo.