
Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah u ansixisay deeq lacageed oo dhan $30 milyan oo loogu talagalay taageeridda hay’adaha amniga Soomaaliya, sida lagu daabacay wargeyska rasmiga ah ee dowladda Turkiga, waxaana saxiixay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.
Sidoo kale, heshiis kale oo la filayo in toddobaadka soo socda la horgeeyo baarlamaanka Turkiga ayaa dhigaya in Soomaaliya la siiyo dhul cabbirkiisu yahay 5,000 mitir oo laba jibbaaran oo ku yaalla Ankara, halka dowladda Turkiga ay sidoo kale dhisi doonto xarun safaaradeed cusub oo ku fadhisa 3,000 mitir oo laba jibbaaran.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid sii xoojinaysa xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amni iyo wada shaqaynta istiraatiijiga ah ee ka dhaxaysa Somalia iyo Turkey, xilli labada dal ay horey u yeesheen iskaashi ballaaran oo dhinacyada amniga, difaaca iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ah.
Dhanka kale, mucaaradka Turkiga ayaa si adag u dhaliilay go’aankan, iyagoo ku eedeeyay xukuumadda Madaxweyne Erdoğan inay canshuurta iyo hantida shacabka Turkiga u adeegsanayso taageero dibadeed oo aan mudnaan u lahayn xaaladaha gudaha dalka.




















