Safiirka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya miya dalka laga eryay.

22

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in safiirka dowladda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho laga eryay dalka, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku tilmaantay wararkaasi kuwo been abuur ah oo aan wax sal ah lahayn.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in dowladda ay ku boorrisay warbaahinta iyo shacabka inay xogta ka helaan ilaha rasmiga ah, isla markaana laga fogaado faafinta wararka aan la hubin.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Imaaraadka Carabta uu wado dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in dalal cusub ay aqoonsadaan Somaliland. Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa tilmaamay in dadaalladan ay si gaar ah diiradda u saarayaan dalal ay ka mid yihiin Eswatini iyo Argentina, iyadoo la filayo in tallaabooyin la xiriira arrintan ay soo baxaan maalmaha soo socda.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay mowqifkeeda ku aaddan midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka, waxayna ka digtay in aqoonsi kasta oo shisheeye oo la siiyo Somaliland uu dhaawacayo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii, ayaan weli helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran, inkastoo dadaallo diblomaasiyadeed oo muddo dheer socday ay wali socdaan.