Xassan Shiikh & Xamse oo boqolaal shacab ah la tukaday Ciida +Sawirro

21

 

Boqolaal ka mid ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kala qeyb galay tukashada Salaadda Ciidda Carafo, taas oo lagu oogay Masjidka Masjidka Isbahaysiga Islaamka.

Munaasabadda salaadda ciidda ayaa waxaa ka muuqday jawi diimeed iyo mid qaranimo, iyadoo boqolaal shacab ah, masuuliyiin dowladda ka tirsan, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay isugu yimaadeen si wadajir ah ugu tukadaan salaadda munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxa.

Khudbad uu jeediyay Madaxweynaha kadib salaadda ciidda ayuu ugu hambalyeeyay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isaga oo Alle SWT uga baryay in shacabka Soomaaliyeed uu ku gallado nabad waarta, barwaaqo, xasillooni siyaasadeed iyo horumar dhinac kasta leh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu dheeraaday muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed ay sii xoojiso isku duubnida iyo dhaqamada wanaagsan ee lagu yaqaan maalmaha ciidaha, sida is cafinta, is kaalmeynta, booqashada ehelka iyo garab istaagga dadka nugul.

“Kama tageyno in mar walba aynu is xusuusinno dhaqamada wanaagsan ee la sameeyo maalintan oo kale,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo tilmaamay in midnimada iyo wada shaqeynta bulshada ay laf-dhabar u yihiin dib u dhiska dalka iyo xaqiijinta Soomaaliya nabdoon oo horumarsan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo la xiriirta dib u dhiska dowladnimada, isagoo sheegay in geeddi-socodka socda uu yahay mid taariikhi ah oo shacabka Soomaaliyeed ay door weyn ku leeyihiin. Wuxuu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta muujiyeen rabitaan xooggan oo ku aaddan dowladnimo dhameystiran, amni iyo horumar waara.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bulshada ugu baaqay inay sii xoojiyaan is-caawinta, wadajirka iyo taageerada loo fidinayo dadka danyarta ah, gaar ahaan xilliyada ciidaha oo ay muhiim tahay in la garab istaago qoysaska nugul iyo dadka duruufaha adag ku nool.

Munaasabadda Ciidda Carafo ee maanta ayaa ka mid ahayd dabaaldegyada waaweyn ee guud ahaan dalka ka socday, iyadoo magaalooyinka kala duwan ee Soomaaliya ay shacabka iyo madaxdu si wadajir ah ugu oogayeen salaadda ciidda, islamarkaana ay is dhaafsanayeen hambalyada iyo ducooyinka la xiriira munaasabaddan barakeysan.