DAAWO: QoorQoor “ ninkii dhuumanaayoow, dhabarkiida muuqdoow waa dharaar lagu dhawrayee dadkaaga dhinac ka raac”

25

 

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa boqolaal ka mid ah shacabka iyo masuuliyiinta Galmudug kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo barxadda Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa salaadda kaddib khudbad uu u jeediyay shacabka kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, muhiimadda ilaalinta nabadgalyada, xoojinta wadajirka bulshada iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa tilmaamay in nabadgalyadu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar, dowladnimo iyo adeeg bulsho oo tayo leh, isaga oo ugu baaqay shacabka Galmudug in ay garab istaagaan ciidamada ammaanka iyo hay’adaha dowliga ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda, isaga oo Alle uga baryay in uu dalka ku manneysto nabad, barwaaqo iyo xasillooni waarta.