Iraan oo mar kale xirtay marinka Hormuz.

20

Taliska sare ee ciidamada Iiraan ayaa ku dhowaaqay inay mar kale xireen Marinka Hormuz, iyagoo ku eedeeyay Mareykanka iyo Israa’iil inay ku xad-gudbeen heshiiskii xabbad-joojinta ee dhawaan la gaaray, kaas oo la filayay inuu yareeyo xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Iiraan ayaa lagu sheegay in go’aanka lagu xiray marinka uu yimid kadib markii, sida ay sheegeen, la jebiyay qodobbo muhiim ah oo ka mid ahaa heshiisyadii lagu doonayay in lagu joojiyo dagaallada iyo weerarrada ka socda gobolka.

Iiraan ayaa si gaar ah ugu eedeysay Israa’iil inay sii waddo duqeymaha ay ka fulineyso koonfurta dalka Lubnaan, inkastoo uu jiray heshiis xabbad-joojin ah oo la filayay inuu dhaqangalo maalmo ka hor.

Tehran waxay ku doodday in weerarradaasi ay si toos ah u dhaawaceen dadaalladii diblomaasiyadeed ee socday.

Bayaanka taliska ciidamada Iiraan ayaa lagu sheegay in lagu xad-gudbay qodobkii ugu horreeyay ee heshiiska, kaas oo dhigaya in aan la weerarin dhulka Lubnaan. Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabooyin ay ku difaacayaan amniga gobolka iyo danahooda istaraatiijiga ah.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa weli sii wadda weerarro ay ka fulineyso qeybo ka mid ah koonfurta Lubnaan, iyadoo sheegaysa inay beegsaneyso saldhigyo iyo xubno ka tirsan Xisbullah. Arrintan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in heshiisyadii la gaaray ay burburaan.