
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Boliiska Caasimadda, ayaa fuliyay amar maxkamadeed oo lagu soo qabtay eedeysane Cabdullaahi Abuukar Cali, kaas oo ku eedaysan falal baal marsan sharciga dalka, isla markaana jabinaya qawaaniinta iyo anshaxa mihnadda saxaafadda.
Eedeysanaha ayaa ku eedaysan inuu aflagaadeeyay hay’adaha garsoorka dalka, isagoo baahiyay hadallo iyo eedeymo ka baxsan anshaxa iyo qaanuunka, kuwaas oo dhaawacaya sumcadda iyo karaamada hay’adaha caddaaladda, Sidoo kale, waxa uu ku eedaysan yahay faafinta warar aan sal iyo raad lahayn, sameynta borobogaando marin-habaabin ah, iyo baahinta xog lagu tilmaamay mid wax u dhimaysa amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta bulshada.
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxay mar kale adkeynayaan in xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahintu ay yihiin xuquuqo uu damaanad qaaday sharciga dalka, balse ay waajib tahay in lagu dhaqmo si waafaqsan shuruucda dalka, anshaxa mihnadda saxaafadda iyo mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta nabadda, amniga iyo wadajirka bulshada.
Boliiska Soomaaliyeed waxay uga digayaan shaqsiyaadka u adeegsada warbaahinta ama baraha bulshada faafinta warar been-abuur ah, marin-habaabin, kicin bulsho ama fal kasta oo lid ku ah sharciga iyo amniga dalka, iyadoo cid kasta oo ku lug yeelata falalkaas lala tiigsan doono caddaaladda.
Eedeysanaha ayaa la horgeyn doonaa hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh dacwaddiisa, si loo marsiiyo habraacyada sharciga ee dalka u yaalla.




















