
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday dhaqagalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA, kaas oo loogu talagalay in lagu xaqiijiyo aqoonsiga muwaadiniinta iyo horumarinta adeegyada ay bixiso Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hay’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Hay’adda NIRA ayaa si wadajir ah u sheegay in laga bilaabo kowda bisha Luulyo in qof kasta oo xareysanaya noocyada kala duwan ee Baasaboorka Soomaaliya laga rabo inuu wato NIRA.
Sidoo kale, labada hay’adooda ayaa sheegay in muwaadiniinta u safraya gobollada ay qasab ku tahay inay haystoaan kaarka, si loo xaqiijiyo socdaalkooda.
Hoos ka akhriso bayaan labada hay’adood oo ka kooban 5 qodob:-
Iyadoo laga amba qaadayo dadaalada horumarinta iyo tayeynta baasaboorka Soomaaliya iyo qaraarka Golaha wasiirada ee adeegsida Aqoonsiga Qaranka ee dhammaan adeegyada dowlada iyo kuwa gaarka ah, Waxa Hay’adda socdaal iyo Jinsiyada Soomaaliya (ICA) oo xil saaran bixinta baasaboorka iyo maamulka socdaalka iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) oo masuul ka ah diiwaangelinta dadweynaha iyi bixinta aqoonsiga qaranka ay soo saareyn go’aanada soo socda
Laga bilaabo 1-da bisha Luulyo waxa muwaadin kasta ee xareysanayo nuucyada kala duwan ee baasaboorka Soomaaliya laga doonayaa inbuu heysto Aqoonsiga Qaranka oo ay bixiso NIRA.
Marka la gaaro 1-da bisha Oktoobar, waxa qasab ku ah muwaadin kasta ee ku safraya gudaha dalka in uu heysto Aqoonsiga qaranka, si loogu xaqiijiyo socdaalkiisa. Inta ka horeyso xiligaas, waxa la weydiin doonaa muwaadiniinta ku safreysa gudaha dalka Aqoonsigooda qaranka si ikhtiryaari ah.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka wax ay ka wadashaqeyn doonaan iyaga oo kaashanayo hay’addaha iyo wasaaradaha kale ee quseyso tayeynta dokumintiyada sharciga ah ee Soomaaliya.
Waxa ay labada hay’adood iska kaashanayaan, ka hortaga dokumintiyada been abuurka ah, ka been abuurista aqoonsiga iyo yareynta wax ka bedelka xogaha qofka ee diiwaangashan.
Hay’addaha ICA iyo NIRA waxa ay ka wadashaqeyn doonaan sare u qaadida wacygi bulshada ee ku aadan dokumintiyada sharciga ah ee dowlada Soomaaliya bixiso




















