DAAWO: Xiisad dagaal beeleed oo ka taagan gobolka Shabeellaha hoose.

19

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaannada Janaale, Baqal, Xawaaloow iyo Lambar 60, ayaa sheegaya in halkaas laga dareemayo saan-saan colaadeed oo u dhexeysa beelaha Biyomaal iyo qaar ka mid ah beelaha Hiraab, gaar ahaan Abgaal iyo Habar Gidir.

Xiisaddan ayaa salka ku haysa muran la xiriira maamulka iyo gacan-ku-haynta qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan dhulka u dhexeeya magaalada Marka iyo deegaanka Lambar 60, oo ay beelahaasi wada degaan.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa la sheegay in deegaannada qaarkood laga dareemayay hub urursi iyo kulamo beeleedyo ay dhinacyadu ku muujinayeen cududdooda, iyaga oo sidoo kale isu jeedinayay hanjabaado.

Odayaal iyo waxgarad ka tirsan beesha Biyomaal ayaa ku dhawaaqay abaabul ay sheegeen inuu yahay mid ay dib ugu soo ceshanayaan deegaanno ay ku doodayaan in beelo kale ku habsadeen. Waxay sidoo kale sheegeen inay ka tashan doonaan aayahooda siyaasadeed iyo maamul ee gobolka.

Dhinaca kale, odayaal iyo waxgarad ka tirsan beelaha Abgaal iyo Habar Gidir ayaa iyaguna sheegay inay iska difaaci doonaan waxa ay ku tilmaameen gardarro ku soo wajahan deegaannada ay ku nool yihiin, taas oo sii muujineysa xaaladda cakiran ee ka taagan gobolka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in deegaannada xeebta ku teedsan ee Marka, Jilib-Marka iyo Lambar 60, oo qaybo ka mid ah dhawaan laga saaray kooxda Al-Shabaab, ay dadka deegaanku ka bilaabeen dib-u-degsiin iyo abaabul cusub.

Arrintan ayaa la sheegay inay dib u soo nooleysay muranno beeleedyo ku saabsan gacan-ku-haynta deegaannada, dhul-beereedyada iyo maamulka goobaha laga saaray Al-Shabaab.

Dhinacyo ka tirsan beesha Biyomaal, oo dhowaan ku dhawaaqay qorshe lagu dhisayo maamul ay ugu magac dareen Koonfur Bari, ayaa sheegay inay abaabul ka wadaan deegaannada xeebaha ee Marka, Jilib-Marka iyo Lambar 60, iyo sidoo kale dhul-beereedyada Shalaambood, Janaale iyo deegaanno kale.

Dhinacyadan ayaa ku eedeeyay kooxo hubeysan inay bartilmaameedsadaan beeraleyda iyo dadka rayidka ah ee ku nool deegaannadaas. Hase yeeshee, dhinacyada kale ee muranku kala dhexeeyo ayaa iyaguna soo jeedinaya eedeymo la mid ah.

Toddobaadkii hore dhammaadkiisii, koox maleeshiyaad ah oo la sheegay inuu abaabulay nin lagu magacaabo Cumareey, isla markaana ciidamo ku urursaday deegaanka Ismaan Quule, ayaa lagu eedeeyay inay dab qabadsiiyeen beer weyn oo ku taalla deegaanka Janaale.

Dabkaas ayaa la sheegay inuu burburiyay hanti lagu qiyaasay in ka badan 200,000 oo dollar.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in weerarka lagu beegsaday beerta uu qeyb ka ahaa cabsi-gelin la doonayay in lagu barakiciyo dad ka soo jeeda beelaha kale ee deegaanka wada dega.

Ganacsadaha leh beerta la gubay, Xasan Maxamed Fiidoow oo loo yaqaanno Xiireey, ayaa sheegay in dhacdooyinka ka socda gobolka Shabeellaha Hoose aysan ahayn kuwo loo dulqaadan karo.

Wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed inay si degdeg ah u farageliyaan xaaladda, kana hortagaan dagaal beeleed ka qarxa deegaannadaas.

Kooxaha hubeysan ee ku abtirsada beesha Biyomaal ayaa ku doodaya in 30-kii sano ee la soo dhaafay la duudsiyay xuquuqdooda, isla markaana xilligan la joogo waqtigii ay dib ugu soo ceshan lahaayeen dhulkooda iyo kaalintooda maamulka gobolka.

Kulamo iyo shirar lagu taageerayay abaabulka beesha Biyomaal ayaa sidoo kale lagu qabtay gudaha iyo dibadda dalka. Wararka ayaa sheegaya in qurbajoogta laga ururiyay dhaqaale gaaraya hal milyan oo dollar oo lagu taageerayo abaabulka socda.

Dhinacyada abaabulka wada ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay qorshe ay ku doonayaan inay ku dhisaan maamul lagu magacaabo Koonfur Bari, iyaga oo sheegay inay gacantooda dib ugu soo celin doonaan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose.

Taariikh ahaan, mar kasta oo awoodda Al-Shabaab laga wiiqo ama laga saaro qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa mararka qaarkood dib u soo cusboonaada colaadaha iyo murannada u dhexeeya beelaha wada dega gobolka.

Arrintan ayaa muujineysa sida ay u liitaan hay’adaha maamulka iyo amniga ee ka shaqeeya deegaannada laga saaro Al-Shabaab, taas oo fursad siisa maleeshiyaadka beelaha inay dib isu abaabulaan.

Ilaa hadda, dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed si rasmi ah ugama hadlin xiisadda cusub ee laga soo sheegayo gobolka Shabeellaha Hoose, mana jiraan tallaabooyin muuqda oo lagu qaboojinayo xaaladda.

Dhinaca kale, gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka socda diyaar-garow iyo guluf ciidan oo ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay kula wareegto deegaannada weli ku jira gacanta kooxda Al-Shabaab.