Madaxwaynihii hore ee Iran oo lasheegay inuu lashaqaynayay IsraaIl.

41

 

Israel ayaa muddo sanado ah si qarsoodi ah ula shaqeyneysay madaxweynihii hore ee Iran Mahmoud Ahmadinejad, iyadoo ka dhigtay jaajuus la shaqeeya una diyaarineysay inuu mustaqbalka dib u hoggaamiyo Iran, haddii nidaamka hadda jira la rido, sida uu qoray wargeyska The New York Times.

Warbixinta ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsan sirdoonka Israel ee Mossad ay Ahmadinejad kula kulmeen dalal dibadda ah dhowr jeer, isla markaana ay siiyeen lacag ka caawisa kharashaadka la xiriira hoygiisa iyo safarradiisa.

Xiriirkaas oo ahaa mid aad u qarsoodi ah ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay bishii Febraayo ee sanadkan, xilligaas oo la sheegay in xubno ka tirsan Mossad ay Axmedinejad ka saareen gurigiisa magaalada Tehran, ayna geeyeen guri ammaan ah oo qarsoodi ah.

Howlgalkaas ayaa qeyb ka ahaa qorshe ballaaran oo lagu doonayey in lagu rido nidaamka Iran, looguna soo celiyo Axmedinejad awoodda, balse qorshahaas ayaa ugu dambeyn fashilmay.

Sida ay wargeyska u sheegeen afar sarkaal oo sare oo Iranian ah, Axmedinejad ayaa hadda ku jira gacanta waaxda sirdoonka Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran, waxaana lagu hayaa xabsi guri kadib markii dowladda Iran ay ogaatay inta badan xiriirkii uu la lahaa Israel.

Israel iyo Iran midkoodna si rasmi ah ugama hadlin warbixintan. Mossad kama jawaabin codsi faallo ah oo uu wargeysku u diray, halka afhayeenka Axmedinejad, Ali Akbar Javanfekr, uu isna diiday inuu ka hadlo arrinta.

Kulamadii Budapest
Qeyb muhiim ah oo xiriirka Axmedinejad iyo sirdoonka Israel ah ayaa ka dhacday dalka Hungary, gaar ahaan jaamacad ku taalla magaalada Budapest.

Bilowgii sanadkii 2024, sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Hungary ayaa la xiriiray Gergely Deli, oo ah guddoomiyaha Jaamacadda Ludovika.

Sarkaalka ayaa ka codsaday inuu jaamacadda ku qabto shir ku saabsan isbeddelka cimilada, islamarkaana lagu casuumo madaxweynihii hore ee Iran.

Deli ayaa sheegay in loo sheegay in shirku uu yahay dabool, halka ujeeddada dhabta ah ay ahayd in Axmedinejad uu si qarsoodi ah ula kulmo saraakiil sirdoon oo Israeli ah.

Guddoomiyaha jaamacadda ayaa qirtay inuu ogaa in martiqaadka Axmedinejad uu dhaawici karo sumcaddiisa iyo tan jaamacadda, balse wuxuu rumeysnaa in kulanka labada dhinac uu badbaadin karo nafaf.

“Marka aad haysato laba cadow oo doonaya inay wada hadlaan, waxa ugu wanaagsan waa inaad ku caawiso inay wada hadlaan,” ayuu u sheegay wargeyska.

Axmedinejad ayaa tegay Budapest sanadkii 2024, halkaas oo la sheegay inuu kula kulmay David Barnea, oo xilligaas madax ka ahaa hay’adda sirdoonka dibadda Israel ee Mossad.

Saraakiil Mareykan ah oo hore xilal u soo qabtay ayaa sheegay in Barnea uu si gaar ah ugu safray Hungary si uu ula kulmo Axmedinejad.

Wax yar kadib, Mossad ayaa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ku wargelisay inay xiriir la sameysay madaxweynihii hore ee Iran.

Axmedinejad ayaa mar kale Budapest ku laabtay bishii Juun 2025, maalmo kahor inta aysan Israel dagaal ka bilaabin Iran.

Ilaaladiisa Iranian-ka ah ayaa sheegay inuu laba jeer ka dhuuntay ciidamadii la socday, isla markaana uu saacado badan ku maqnaa kulamo aan la ogeyn.

Markii ay weydiiyeen halka uu aaday, wuxuu u sheegay inuu la kulmayay macallimiin jaamacadeed, sida ay sheegeen saraakiil Iranian ah oo xogta kulamadaas la socday.