Xildhibaanka Soomaalida Kenya ku matala Nairobi oo ku biiray Xisbiga Mucaaradka

39

Xildhibaan Yuusuf Hassan oo ah mudanaha laga soo doorto Kamukunji-Nairobi ayaa la soo sheegayaa inuu si rasmi ah ugu biiray Xisbiga mucaaradka ee uu hogaamiyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya Rigathi Gachagua isagoona dhabarka xijiyay Xisbiga talada haya ee uu horkacayo Madaxwenaha Kenya Wiliam Ruto.

Xaafada Kamukunji oo Nairobi ka tirsan lagana soo doorto Xildhibaan Yuusuf ayaa waxaa qeyb ka ah Xaafada Islii ee Soomaalidu ku badan tahay ,waxaana lagu amaanaa Yuusuf Xasan inuu qurxiyay Islii intii uu xilka hayay iyadoo la ogyahay inay ahaan jirtay xaafada dhiiqadu ku badan tahay islamarkaana nadaafadeedu liidato ka hor intaan isaga laga soo dooran.

Sababaha rasmiga ah ee Yuusuf Xasan ugu biiray Xisbiga mucaaradka ayaa lagu sheegay inay tahay madaama markii kursigaan uu tartamayay dadkii ugu badanaa ee codka siiyay ay yihiin shacabka Qabiilka Kikuyada oo uu ka dhashay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee waddankan, Rigathi Gachagua kaasoo hogaamiya Xisbia uu ku biiray madaama xisbiyada Kenya ay qabiil ku saleysan yihiin.

Talaabada Xildhibaan Yuusuf Xasan qaaday ayaa ku soo aadeysa xili Soomaalida Kenya badankood xiligaan taageersan yihiin Madaxweynaha hada xilka haya ee Ruto ,madaama lagu eedeeyo Qabiilka Kikuuyada inay neceb yihiin Soomaalida,sidoo kale talaabadaani waxay ku soo aadeysaa xili doorashadii Kenya soo dhawdahay oo ay tahay sanadka 2017 oo ay bilo naga xigaan.