
Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA, John Ratcliffe, ayaa Talaadadii booqasho lama filaan ah ku tegay magaalada Moscow, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Mareykan ah, waana safarkiisii ugu horreeyay ee si rasmi ah loo ogaado inuu ku tago caasimadda Ruushka.
Ujeeddada rasmiga ah ee safarka Ratcliffe ayaan markiiba la shaacin, balse wuxuu ku soo beegmay xilli Washington ay isku dayeyso inay xal u hesho dagaalka Ruushka iyo Ukraine, iyadoo sidoo kale ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo la xiriira dagaalka Iran.
Booqashada ayaa si gaar ah isha loogu hayaa kadib markii sirdoonka Mareykanka uu helay xog muujineysa in Ruushku sameynayo diyaargarow horudhac ah oo la xiriira suurta-galnimada abaabul ciidan oo cusub oo ka dhaca Ukraine, isla markaana Moscow ay ka fikirayso tallaabooyin lagu tijaabin karo sida NATO uga falcelin karto cadaadis ama dhaqdhaqaaq ciidan oo cusub.
Maxay tahay ujeedada?
Falanqeeyayaal ayaa sheegay in Ratcliffe laga yaabo inuu Moscow u tegay inuu fariin toos ah gaarsiiyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Beth Sanner, oo hore u soo noqotay ku-xigeenka Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mareykanka ee dhinaca isku-duwidda howlaha, ayaa sheegtay in ujeeddadu noqon karto in Kremlin-ka loo caddeeyo in Washington ay la socoto qorshayaasha Moscow.
“Waxay noqon kartaa in lagu yiraahdo, ‘Waan ognahay waxa aad ku fikiraysaan inaad sameysaan, waana inaad ka waantowdaan,’” ayay tiri Sanner.
Waxay sidoo kale sheegtay in safarku la xiriiri karo dadaallada xabbad-joojinta Iran iyo suurta-galnimada in dhinac kale lagu soo daro wada-hadallada, iyadoo aan meesha laga saari karin in Ratcliffe uu kala hadlo Moscow taageerada Kremlin-ka ee Tehran, xilli Mareykanku kordhiyay cunaqabateynta uu saarayo Iran.
Diyaarad nooca Boeing C-17 Globemaster ah ayaa baraha lagula socdo duulimaadyada lagu arkay iyadoo ka soo duushay Riga ee Latvia kuna degtay garoonka caalamiga ah ee Vnukovo ee Moscow. Garoonkaas ayaa muddo dheer loo adeegsaday mas’uuliyiinta sare ee ajnabiga ah ee booqda caasimadda Ruushka.
Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa wariyeyaasha u sheegay subaxnimadii Talaadada inuusan wax xog ah ka hayn diyaaradda ku degtay garoonka abbaaraha 10-ka subaxnimo waqtiga Moscow.
Peskov wuxuu sidoo kale sheegay inaan toddobaadkan la qorsheyn wax kulan ah oo dhexmara Kremlin-ka iyo wakiillo ka socda maamulka Madaxweyne Donald Trump.
Ratcliffe ayaa Moscow ku sugnaa qiyaastii afar saacadood ka hor inta uusan ka dhoofin magaalada.
Hay’adda CIA-da ayaa ka gaabsatay inay faallo ka bixiso safarka, halka CBS News ay hore u baahisay war ku saabsan booqashada.
Xiriirka Washington iyo Moscow
Xiriirka Washington iyo Moscow ayaa weli lahaa marinno wada-xiriir oo shaqeynaya inkastoo labada dowladood ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin dagaalka Ukraine, taageerada Mareykanka ee Kyiv iyo cunaqabateynta lagu soo rogay Ruushka.
Madaxweyne Trump ayaa hore Putin ugu qaabilay Alaska kulan diiradda lagu saarayay dagaalka Ukraine, halka maamulkiisu uu sidoo kale ku guuleystay sii deynta saddex qof oo Ruushku haystay.
Safarka Ratcliffe ayaa sidoo kale xusuusinaya dhacdo dhacday bilo ka hor duullaankii Ruushka ee Ukraine.
Agaasimihii hore ee CIA William Burns, oo mar soo noqday safiirka Mareykanka ee Ruushka, ayaa Moscow booqday bishii November 2021. Burns ayaa xilligaas Putin uga digay inuu weeraro Ukraine, isagoo soo bandhigay xog sirdoon oo Mareykanku ka helay qorshaha Moscow ee duullaan ballaaran.
Ruushka ayaa Ukraine weeraray bishii February 2022.
Ratcliffe, oo ka mid ah saraakiisha sida dhow ula shaqeeya Trump, ayaa noqonaya mas’uulkii ugu dambeeyay ee Mareykan ah ee Moscow booqda, kadib safarro dhowr ah oo uu halkaas ku tegay Steve Witkoff, oo ah ergayga madaxweynaha ee wada-hadallada nabadda Ruushka iyo Ukraine.
Jared Kushner iyo Josh Gruenbaum ayaa sidoo kale Witkoff ku weheliyay mid ka mid ah safarradaas, iyagoo kulan la yeeshay Putin.
Bishii March 2025, wax yar kadib markii Trump xilka la wareegay, Ratcliffe iyo madaxa Hay’adda Sirdoonka Dibadda ee Ruushka Sergei Naryshkin ayaa yeeshay wada-hadalkoodii ugu horreeyay ee telefoon.
Labada mas’uul ayaa markaas ka wada hadlay iskaashi ku saabsan arrimo ay labada dhinac dan wadaag ka leeyihiin, waxayna isku raaceen inay sii wadaan xiriir joogto ah si loo yareeyo khatarta iska horimaad toos ah oo dhex mara labada quwadood.
Kremlin-ka ayaa muhiimad gaar ah siinayay sii jiritaanka xiriirka u dhexeeya hay’adaha sirdoonka labada dal, xitaa markii xiriirka siyaasadeed ee Washington iyo Moscow uu aad u xumaaday.
Rustam Churyakov, oo madax ka ah xarun cilmi-baaris sirdoon oo fadhigeedu yahay Moscow, ayaa sheegay in hay’adaha sirdoonku mararka qaar awoodaan inay si ka dabacsan siyaasiyiinta uga wada hadlaan arrimaha xasaasiga ah.
“Mareykanku wuxuu Ukraine taageerayay tan iyo bilowgii dagaalka, marka laga eego aragtida dowladdeenna waa dhinac naga soo horjeeda, laakiin saraakiisha hay’adaha sirdoonka waxay si ka xor ah siyaasiyiinta uga wada hadli karaan arrimo badan,” ayuu yiri Churyakov.
Marka la eego hab-maamuuska Ruushka, Naryshkin ayaa ah dhigga rasmiga ah ee Ratcliffe, waxaana la filayaa inuu door muhiim ah ku yeesho kulamada uu madaxa CIA-du Moscow ku yeelan karo. Haddii Ratcliffe uu la kulmay ama la kulmo Putin, Naryshkin ayaa sidoo kale la filayaa inuu goob joog ka noqdo.




















