Wararkii ugu dembeeyey ee Nepal.

9

 

Tirada dadka ku dhintay daadadka iyo fatahaadaha xooggan ee ka dhacay Nepal ayaa gaartay 734 qof, halka 2,498 qof weli la la’yahay, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Nepal.

Hay’adda Qaranka ee Yaraynta Khatarta iyo Maareynta Musiibooyinka ee Nepal ayaa sheegtay in meydadka 734 qof laga helay deegaanno dhowr ah oo ay fatahaaduhu saameeyeen. Gobolka Chitwan ayaa laga helay tirada ugu badan oo ah 259 meyd, waxaana ku xiga Nawalparasi East oo laga helay 184 iyo Nawalparasi West oo laga helay 82.

Dhanka kale, 8,186 qof ayaa ilaa hadda la badbaadiyay, halka 242 qof ay dhaawacmeen, qaar ka mid ah dadka dhaawacmayna laga fasaxay xarumaha caafimaadka. Hawlgallada baadigoobka iyo samatabbixinta ayaa weli ka socda goobaha ay musiibadu sida weyn u saameysay.

Dowladda Nepal ayaa hawlgallada gurmadka u dirtay 19,895 askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka, kuwaas oo isugu jira ciidamada militariga, booliiska iyo ciidamada booliiska hubeysan. Ciidamadu waxay adeegsanayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo gaadiidka dhulka si ay u gaaraan dadka ku go’doonsan meelaha ay daadadku ku dhufteen.

Musiibadan ayaa sidoo kale burbur weyn u geysatay guryo, waddooyin, buundooyin iyo xarumo koronto-dhalin ah. Mas’uuliyiinta Nepal ayaa weli ka digaya khataro cusub oo fatahaado ah, iyadoo heerarka biyaha qaar ka mid ah webiyada ay mar kale kor u kacayaan.