Taliye Shub oo kabadbaaday weerar ladoonayay in lagu qaarijiyo.

18

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaano Taliye Shub ayaa ku dhaawacmay duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday gurigiisa.

Duqeyntan oo geysatay dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay ka dhacday guriga uu taliyihii hore ka deganaa degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Weerarka la helayo ayaa sheegaya in haweeney Itoobiyaan ah oo ka shaqeynaysay guriga Taliye Shub ay ku geeriyootay duqeynta. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ugu yaraan saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen weerarka.

Duqeynta ayaa la sheegay inay si toos ah u haleeshay guriga uu deganaa taliyihii hore ee ciidanka asluubta, waxaana weli socda xog-ururin ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka iyo xaaladda dadka kale ee goobta ku sugnaa.

Ilaa hadda ma cadda cidda fulisay duqeynta iyo diyaaraddii loo adeegsaday, sidoo kalena lama oga sababta iyo xogta sirdoon ee lagu saleeyay bartilmaameedsiga guriga.

Mahad Shub ayaa kamid ah saraakiishii hore ee ciidamada dowladda, waxaana xilligan uu ka tirsanaa garabka mucaaradka ee uu hoggaamiyo hoggaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Weerarka lagu qaaday gurigiisa ayaa kusoo beegmaya xilli xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed ay aad u kacsan tahay, gaar ahaan magaalada Baydhabo oo shalay ay ka dhaceen dagaallo culus.

Dagaalka Baydhabo ayaa billowday kaddib markii ciidamo taageersan Lafta-gareen ay weerar ku qaadeen magaalada, iyadoo iska horimaadkaasi uu sare u qaaday xiisadda ka taagan maamulkaasi.