Puntland oo xirtay saraakiil ciidan Iyo nabadoon u dhoofayay Muqdisho.

17

Puntland ayaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ka xirtay saraakiil ciidan oo la sheegay inay u safrayeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Laba sarkaal oo ka tirsanaa ciidamadii Dowladda Federaalka ay dhawaan kula wareegtay deegaanka Kuur-ilaalo ee degmada Rako-raaxo ayaa ka mid ah dadka lagu xiray garoonka, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Boosaaso.

Sidoo kale, garoonka ayaa waxaa lagu qabtay agaasimihii Isbitaalka Lafaha ee Carmo, Cabdiqaadir Xaaji Cabdullaahi (Waraabe) oo isna la sheegay inuu ku wajahnaa Muqdisho.

Garoonka ayaa waxa kale oo lagu xayiray Suldaan Maxamuud Xaaji Cabdullaahi oo ka mid ah isimada dhaqanka ee gobolka Bari, iyadoo markii dambe la sii daayay.

Suldaanka oo ka hadlay dhacdada ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo sii d

aayo ragga kale ee la xiray, isagoo sheegay inay Muqdisho u safrayeen dano gaar ah oo ay leeyihiin.

“Waxay u safrayeen danahooda gaarka ah, waana xaq ay leeyihiin,” ayuu yiri Suldaan Maxamuud Xaaji Cabdullaahi, oo maamulka ugu baaqayo in dadka la xiray loo ogolaado inay safarkooda sii wataan.

Xariga saraakiisha ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed iyo amni oo u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha ciidamada iyo maamulka deegaannada qaarkood.

Ilaa hadda Puntland si rasmi ah ugama hadlin sababta loo xiray saraakiisha iyo agaasimaha Isbitaalka Lafaha ee Carmo, mana jirto faah-faahin rasmi ah oo ku saabsan tallaabada maamulka uu qaaday.