Sacuudi Carabiya oo soo saartay digniino degdeg ah oo ku saabsan ‘khatar suurtagal ah’ oo ka dhici karta Jeddah, Mecca iyo Taif

20

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa maanta oo Talaado ah digniin degdeg ah ka soo saartay magaalooyinka Makka, Jeddah iyo Taif, iyadoo shacabka uga digtay “khatar suuragal ah” oo aan si rasmi ah loo shaacin nooca ay tahay.

Next video in 1Cancel
Digniinta ayaa loo diray dadka ku nool magaalooyinkan iyadoo loo marayo nidaamka qaran ee digniinta hore ee xaaladaha degdegga ah, sida ay sheegtay Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga.

Hay’addu waxay shacabka ugu baaqday inay isdejiyaan, isla markaana si degdeg ah ugu hoydaan meel ammaan ah, gaar ahaan gudaha dhismayaasha ama qolalka ka fog daaqadaha, ayna halkaas joogaan ilaa laga xaqiijinayo in khatartu dhammaatay.

Dadka ayaa sidoo kale lagula taliyey inay ka fogaadaan goobaha bannaan, balakoonnada, saqafyada dhismayaasha iyo meelaha ay dadku isugu yimaadaan. Dadka bannaanka ku sugan waxaa lagu amray inay galaan dhismaha ugu dhow ama ay isku qariyaan meel adag oo difaac leh.

Darawallada digniinta helay ayaa iyagana lagu boorriyey inay baabuurta joojiyaan meelo ka fog buundooyinka iyo dhismayaasha dhaadheer, halka shacabka guud ahaan laga codsaday inay macluumaadka iyo tilmaamaha amniga kala socdaan oo keliya ilo rasmi ah.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga markii hore ma aysan sheegin waxa sababay digniinta ama nooca khatarta laga cabsi qabay.

Digniintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay si weyn u kacsan tahay xaaladda amni ee gobolka, kadib markii xoogagga Xuutiyiinta Yemen ay maalmihii u dambeeyey kordhiyeen weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay ku qaadayaan magaalooyin iyo kaabayaal muhiim ah oo ku yaalla Sacuudi Carabiya.

Sacuudiga ayaa dhankiisa duqeymo ka fuliyey goobo ay Xuutiyiintu kaga sugan yihiin Yemen, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in colaadda labada dhinac ay mar kale isu beddesho dagaal ballaaran.

Makka, oo ah magaalada ugu barakeysan Muslimiinta, ayaa ka mid ahayd goobaha digniinta laga soo saaray, taas oo sare u qaaday dareenka ku saabsan khatarta ka dhalan karta dagaalka sii xoogeysanaya ee gobolka.

HALKAN KA AQRI SHEKADAN