Shiinaha oo digniin culus u diray Cirro

15

Dowladda Shiinaha ayaa si kulul uga jawaabtay hadallo uu Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ka jeediyay dalka Mareykanka oo uu ku muujiyay taageerada uu u hayo Taiwan, iyadoo Beijing ay uga digtay Somaliland “cawaaqib culus” haddii ay sii waddo mowqifkaas.

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah sheegtay in hadallada Cirro ay jebinayaan mabda’a “hal Shiinaha”, isla markaana ay dhaawacayaan waxa Beijing ay ku tilmaantay madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.

“Ka gudbidda xadka arrinta Taiwan waxay horseedi doontaa cawaaqib culus,” ayay safaaraddu ku tiri bayaan ay soo saartay, iyadoo aan faahfaahin ka bixin nooca tallaabada ay qaadi karto.

Shiinaha ayaa sidoo kale arrinta Taiwan si toos ah ugu xiray muranka Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo mar kale caddeeyay taageerada uu u hayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

“Somaliland waa qayb aan laga goyn karin dhulka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka, oo intaas ku daray in Beijing ay taageereyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, kana soo horjeeddo tallaabo kasta oo lagu kala qaybinayo dalka.

Hadalkan ayaa yimid xilli Madaxweyne Cirro uu booqasho ku joogo Washington, halkaas oo Somaliland ay ka waddo dadaallo ay ku doonayso xiriir siyaasadeed iyo mid amni oo dhow oo ay la yeelato Mareykanka.

Cirro ayaa intii uu joogay Mareykanka sheegay in Somaliland ay garab taagan tahay Washington, isagoo sidoo kale xusay xiriirka ay la leedahay Taiwan iyo Israel.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Isniintii khudbad ka jeediyay Machadka Hudson ee Washington, booqashadiisii ugu horreysay ee Mareykanka tan iyo markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada Somaliland bishii November 2024.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka Somaliland iyo Mareykanka, amniga gobolka iyo dadaalka Hargeysa ee aqoonsi raadinta.

Somaliland ayaa sidoo kale muddooyinkii dambe soo bandhigaysay dekedda Berbera, goobta ay ku taallo ee Gacanka Cadmeed iyo muhiimadda marin-biyoodka Bab al-Mandab, xilli ay Washington ka raadineyso xiriir dhow iyo taageero siyaasadeed.

Xiriirka Taiwan

Muranka cusub wuxuu salka ku hayaa xiriirka Somaliland iyo Taiwan, oo si rasmi ah u ballaartay sanadkii 2020 markii labada dhinac ay ku heshiiyeen inay xafiisyo wakiillo ka kala furtaan Hargeysa iyo Taipei.

Taiwan ayaa xilligaas sheegtay in iskaashiga labada dhinac uu ka koobnaan doono kalluumeysiga, beeraha, tamarta, macdanta, caafimaadka, waxbarashada iyo teknoolajiyadda.

Tan iyo markaas, xiriirkooda ayaa ku fiday ganacsiga, caafimaadka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo tababarrada xirfadaha.

Beijing ayaa si joogto ah uga soo horjeedda xiriirkaas.

Shiinaha wuxuu Taiwan u arkaa qayb ka mid ah dhulkiisa, wuxuuna dowladda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ku tilmaamaa dowladda keliya ee sharci ahaan matasha Shiinaha. Taiwan, oo leh dowlad, ciidan iyo nidaam siyaasadeed u gaar ah, ayaa diiddan sheegashada Beijing.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageerta mabda’a hal Shiinaha, halka Shiinuhuna uu si joogto ah u taageero midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.