
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay qaabkii uu uga jawaabay su’aalo muhiim ah intii uu ka qeybgalayay dood ka dhacday machadka Hudson Institute ee Washington.
Muuqaallo laga baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Cirro oo marar badan qoslaya, hadalkana ku adkaanayo, gaar ahaan markii la weydiiyay macdanta Somaliland, dagaalka Suudaan iyo sababta Mareykanku u aqoonsan lahaa Somaliland.
Markii la weydiiyay noocyada macdanta muhiimka ah ee Somaliland ay Mareykanka u soo bandhigi karto, Cirro wuxuu sheegay inuusan ahayn khabiir cilmiga dhulka ah, isagoo qosol ku daray in laga yaabo inay haystaan “wax walba”. Jawaabta ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan diyaargarowga uu madaxweynuhu u lahaa inuu Washington u sharaxo kheyraadka Somaliland ay sheeganayso inay ku soo jiidan karto maalgashadayaasha Mareykanka.
Su’aal kale oo ku saabsan dagaalka Suudaan ayaa iyaduna Cirro ku adkaatay. Wuxuu sheegay in Suudaan ay “aad uga fog tahay” Somaliland, xitaa wuxuu masaafada u barbar dhigay Venezuela. Moderator-ka ayaa si toos ah ugu jawaabay in Suudaan aysan sidaas uga fogeyn Somaliland, kadibna doodda laga gudbay.
Dhaliisha ugu culus waxaa jeediyay Cameron Hudson, oo hore uga tirsanaa dowladda Mareykanka, kana faallooda arrimaha Afrika. Hudson ayaa sheegay in Cirro uusan si buuxda u gudbin farriintii istiraatiijiga ahayd ee uu Washington u yimid inuu soo bandhigo, wuxuuna si aad ah u dhaliilay waxqabadkiisa isagoo ku tilmaamay, “waxay ahayd sidii daawashada Biden Afrikaan ah.”
Cirro ayaa sidoo kale jawaab wareer dhalisay ka bixiyay sababta Mareykanku u aqoonsan lahaa Somaliland. Wuxuu sheegay in Somaliland “ficil ahaan” aysan qayb uga ahayn Soomaaliya, halka “aragti ahaan” ay weli qayb ka tahay Soomaaliya.
Wareysiga ayaa kusoo beegmay xilli booqashada Cirro ee Washington loo arko fursad Somaliland ay ku doonayso inay Mareykanka uga dhaadhiciso muhiimadda Berbera, kheyraadka dabiiciga ah iyo doorka Somaliland ee amniga Badda Cas. Hase yeeshee, jawaabihii Cirro iyo qaabkii uu uga falceliyay su’aalaha ayaa noqday qaybta ugu hadal-heynta badan ee kulanka.




















