
Afhayeenka baarlamaanka Iiraan, Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa Axaddii sheegay in marin biyoodka Hormuz uu sii xirnaan doono ilaa Mareykanka uu ka dhabeeyo ballanqaadyadiisa ku xusan heshiis bishii Juun isla markaana uu buuxiyo shuruudaha Tehran.
Isagoo ka hadlayay baarlamaanka, Ghalibaf wuxuu sheegay in Iiraan “ay si cad shuruudaheeda ugu gudbisay dhinaca ka soo horjeeda iyada oo u mareysa dhexdhexaadiyayaal”, sida laga soo xigtay IRIB oo ah warbaahinta dowladda Iiraan.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa hore u sheegtay in Tehran ay dib u furista marin biyoodka ku xirtay ballanqaadyadii Mareykanka ee ku xusan heshiiskii bishii Juun, oo ay ku jiraan in la qaado xayiraaddii ay ku soo rogtay dekedaha Iiraan, cunaqabataynta saliidda iyo tallaabooyin kale.
“Cadowgu si fiican ayuu uga warqabaa in waddada khiyaanada iyo go’doominta hal dhinac ah ay xiran tahay,” ayuu yiri Qalibaf, isagoo intaa ku daray inaysan jiri doonin dib ugu soo laabasho wadahadallo ama dib u furista marin biyoodka ilaa xuquuqda Iiraan la aqoonsado oo ballanqaadyada Mareykanka la fuliyo.
Marinka Hormuz waa waddo muhiim u ah shixnadaha saliidda iyo gaaska adduunka, taraafikada dhex marta marin biyoodkuna waxay si aad ah uga hoosaysay heerarka dagaalka ka hor iyadoo xiisadaha sii socda ay jiraan.



















