
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u safray dalka Maraykanka, gaar ahaan magaalada New York, halkaas oo uu kaga qaybgeli doono shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo furmaya berri.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay New York ka qaybgalaya doodaha guud ee Golaha Guud iyo kulamo gaar ah oo uu la yeelanayo madaxda dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha caalamiga ah iyo dhinacyada daneeya xaaladda Soomaaliya.
Khudbadda uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka jeedin doono fadhiga Golaha Guud ayaa la filayaa inay diiradda saarto xaaladda Soomaaliya iyo horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dowlad-dhiska, iyadoo sidoo kale uu ka hadli doono dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo ciidamada qalabka sida.
Soomaaliya ayaa xilli muhiim ah ku jirta iyadoo Dowladda Federaalka ay waddo qorshe ay mas’uuliyadda amniga dalka ugu wareejinayso ciidamada Soomaaliyeed, kaddib muddo dheer oo amniga dalka ay qayb weyn ku lahaayeen ciidamada iyo taageerada caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa kulamada uu New York ku yeelanayo kala hadli doona madaxda iyo saaxiibada caalamiga ah sidii Soomaaliya loo siin lahaa taageero dheeraad ah, gaar ahaan dhismaha iyo qalabaynta ciidamada, xoojinta hay’adaha amniga iyo sidii dalka loogu diyaarin lahaa inuu si buuxda ula wareego mas’uuliyadda amniga.
Kulamada Madaxweynaha ayaa sidoo kale fursad u noqon doona Soomaaliya inay beesha caalamka u bandhigto baahiyaha iyo mudnaanta dalka, iyadoo diiradda la saarayo amniga, xasilloonida siyaasadeed, horumarinta hay’adaha dowladda iyo taageerada ciidamada Soomaaliyeed.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee New York ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajaheyso marxalad cusub oo dhinaca amniga ah, iyadoo dowladda ay dooneyso in ciidamada qaranka ay yeeshaan awood iyo diyaar-garow ay si madax-bannaan ugu qaadaan mas’uuliyadda amniga dalka.



















