
Dowladda Qatar ayaa ku baaqday in Bariga Dhexe loo sameeyo hannaan cusub oo amni oo ay Iran qeyb ka tahay, iyadoo sheegtay in dagaalka socda uu cashar weyn u yahay dalalka gobolka, gaar ahaan kuwa Khaliijka oo si toos ah u dareemaya saameyntiisa amni iyo dhaqaale.
Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, ayaa sheegay in dalalka gobolka aysan ka maarmi karin inay xiriir wanaagsan la yeeshaan Iran, oo uu ku tilmaamay dal deris la ah waddamada Khaliijka.
“Iran waa deriskeenna,” ayuu ka sheegay Madasha Dhaqaalaha Qatar ee ka dhacday New York Axaddii.
“Waa inaan si mas’uuliyad leh gobol ahaan u wada shaqeynaa, oo aan xaqiijinnaa inaan xiriir wanaagsan la leenahay Iran,” ayuu yiri.
Waxa uu intaas ku daray: “Waxaan rajeyneynaa in dagaalkan uu qof walba u noqdo baraarug.”
Hadalka Qatar ayaa imanaya xilli walaaca laga qabo in dagaalka Iran uu mar kale sii xoogeysto uu kordhayo, kaddib bilo ay heerka weerarradu yaraayeen.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii si lama filaan ah uga soo laabtay booqasho uu ku joogay Camp David, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay digniin amni u dirtay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in “waxyaabo aad u waaweyn” ay dhici karaan mustaqbalka dhow, isagoo xusay in Washington ay qiimeyneyso dhowr waddo oo ku saabsan Iran.
Xiisadda u dhexeysa Mareykanka, Israel iyo Iran ayaa socotay in ka badan lix bilood, iyadoo Tehran ay weerarro aargoosi ah ku qaaday saldhigyo Mareykanku ku leeyahay gobolka. Dagaalka ayaa sidoo kale si weyn u carqaladeeyay isu socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz.




















