
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe u dallacsiiyay darajada Sarreeye Guud, oo ka mid ah darajooyinka ugu sarreeya ee ciidanka milatariga.
Indha-Qarshe ayaa laba jeer soo noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, markii ugu horreysay sannadkii 2013-kii, xilligii dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo mar labaad sannadkii 2018-kii, xilligii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sarreeye Guud Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa muddo dheer ka soo shaqeynayay ciidamada milatariga Soomaaliya, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo la xiriira hoggaaminta iyo maamulka ciidamada.
Saraakiisha Soomaaliyeed ee horay u soo gaaray darajada Sarreeye Guud waxaa ka mid ahaa Alle ha u naxariistee Maxamed Cali Samatar iyo Bashiir Maxamed Jaamac Goobe, oo hadda ah Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dallacsiintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu tayeynayo laguna dhisayo Ciidanka Xoogga Dalka, si loo xoojiyo amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.




















