Dawo: Sheekh Shariif oo u jawaabay Madaxweyne Xasan Sheekh

26

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in aanay jirin talo dhexda la dhigayo, isla markaana go’aanka ay leedahay dowladda oo kaliya.

Shariif oo galabta shir jaraa’id ku qabtay gurigiisa ayaa sheegay in dowladda aysan cidna kala tashan go’aannada ay qaadanayso, isaga oo arrintaas ku tilmaamay mid aan horay uga dhicin xitaa dowladdii milatariga.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay haddii dowladda aysan diyaar u ahayn in talada la wadaagto dhinacyada kale, ay shacabka xaq u leeyihiin inay iyagu tashadaan oo go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda.

“Talada dhaxda lama dhigaayo kaliya aniga halay dhageysto qofna lama tashanaayo oo hadana loo sacbiyo waa wax cajiib ah xitaa Dowladii malatariga ma sameyn arinkaas,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Haddii la rabay dadka la rabay talada inay dhexda soo dhigaan aysan talo haynin oo wax ay dhexda soo dhigaan la’yihiin Soomaali ayaa tashaneysa, ha ogolaadano. Talada Soomaali ayaa iska leh, go;aankana Soomaali ayaa leh”.

Dhinaca kale, waxa uu soo hadal qaaday xiisadda ka taagan magaalada Muqdisho ee u dhexeysa ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka, isaga oo eedda dusha ka saaray hoggaanka Villa Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay ciidamo dul-dhigeen mucaaradka.

“Waxaad ogtihiin waqtigii lasoo dhaafay la-talin iyo u nasteexeen ayay ahayd, waxaase ka dhalatay waxaad aragteen oo dhibaatooyin ah oo handadaad ah oo ciidamo in la’isku wareejiyo ah oo haddana laga dhaaranaayo oo la leeyahay ma dhicin,” ayuu mar kale yiri.