Cali Guudlaawe oo mar kale loo doortay Madaxweynaha HirShabelle

24

 

Madaxweyne Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa mar kale dib loogu doortay hoggaamiyaha cusub ee maamul-goboleedka HirShabelle, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cali Guudlaawe ayaa la tartamay musharrax Nuur Cilmi Xalane oo ka tirsan xisbiga Ramaas, isaga oo uu ugu dambeyn kaga guuleystay tartanka doorashada HirShabelle.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Cabdixakiin Luqmaan waxaa doorashada ka qaybgalay 98 xildhibaan, iyadoo 4 cod ay xumaadeen intii ay socotay codbixintu.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Cali Guudlaawe uu kusoo baxay aqlabiyad, isla markaana uu helay 81 cod, halka musharraxii la tartamayay uu isna helay 13 cod, sidaas darteed, wuxuu Cali Guudlaawe mar kale noqday Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabelle.

Natiijada doorashadan ayaa lasii ogaa, maadaama uu Madaxweyne Cali Guudlaawe taageero wayn ka haystay Villa Somalia, oo iyadu galaangal xooggan ku leh arrimaha doorashooyinka. Madaxweynaha dib loo doortay ayaa sidoo kale kamid ah hoggaanka sare ee xisbiga JSP, taas oo u suuragelisay inuu hanato xilka madaxweynaha HirShabelle ee 5-ta sano ee soo socota.

Dhinaca kale, waxaa Madaxweyne ku xigeenka cusub ee HirShabelle loo doortay Cabdifitaax Xasan Afrax oo heay 70 cod, halka musharraxii la tartamayay Cabdifitaax Baashi Maxamed uu isna helay 16 cod, sida uu shaaciyay guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku dhawaaqay natiijada.

Kala baxa doorashada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa kusoo aaday, iyadoo todobaadkii hore ay dhacday doorashadii Galmudug oo uu isna kusoo baxay Madaxweyne Liibaan Axmed Xasan oo ka tirsan xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee JSP.

Si kastaba, ha’ahaatee, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo ka dhalatay xiisad culus oo ku aadan sida ay Villa Somalia u wajahayso doorashooyinka heer feederaal iyo heer dowlad-goboleed oo ay diidan yihiin qaar kamid ah mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland.