Masar oo Soomaaliya usoo diraysay Ciidan aan ahayn AUSSOM.

30

Masar ayaa qorsheyneysa inay ciidamo ku keento Soomaaliya heshiis laba geesood ah oo ay la gashay dowladda federaalka, ka hor inta aan ku dhowaad 1,000 askari lagu biirin howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, sida uu qoray wargeyska The EastAfrican.

Qorshahan ayaa soo baxaya xilli aan weli la faahfaahin sida ciidamada Masar ee ku shaqeynaya heshiiska labada dal ay howlgalladooda ula jaanqaadi doonaan kuwa AUSSOM iyo ciidamada kale ee shisheeye ee jooga dalka.

Ilo xog-ogaal u ah qabanqaabada oo wargeysku soo xigtay ayaa sheegay in ciidanka ugu horreeya uu noqon doono guuto dagaal oo ay weheliso taageero milatari oo dheeraad ah, lana geyn doono gobolka Shabeellaha Dhexe.

Masar ayaa la sheegay inay talis ay ka maamusho howlgallada ka sameysan doonto Ceelcadde, oo u dhow garoonka diyaaradaha Cisiley, waqooyiga Muqdisho. Deegaankaas waxaa hadda ku sugan ciidamo Burundi ka socda oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika.

Marka la helo oggolaanshaha loo baahan yahay, ku dhowaad 1,000 askari ayaa lagu wareejin doonaa AUSSOM. Ciidamada kale ee ka hara ayaa la dejin karaa goobo kale, haddii dowladda Soomaaliya ay codsato, sida ay warbixintu sheegtay.

Qaahira weli si rasmi ah uma shaacin tirada guud ee ciidamada ay qorsheyneyso inay Soomaaliya u soo dirto.

https://www.theeastafrican.co.ke/tea/news/north-africa/african-union-silent-as-egypt-sends-troop-to-somalia-5643790