
Xoghayaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), ayaa sheegay in Golaha uusan weli si rasmi ah u helin martiqaadka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan gogosha wadatashiga qaran ee lagu wado inay Muqdisho ka dhacdo 14 ilaa 18 Nofeembar 2026.
Koofi ayaa sheegay in warqadda martiqaadka ay Golaha kaliya ka arkeen baraha bulshada iyo warbaahinta, isagoo xusay in Villa Soomaaliya iyo mucaaradka ay hore u lahaayeen wada-hadallo uu sheegay inay marayeen marxalad xasaasi ah, isla markaana qorshuhu ahaa in la sii ambaqaado bisha Nofeembar.
“Wax hadda rasmi ah oo martiqaad ah oo soo gaaray Golaha Mustaqbalka ma jiro oo aan ka ahayn waxyaalaha Media-yaha la dhigay,” ayuu yiri Koofi, isagoo intaas ku daray in wada-hadalladii hore ay dhinacyadu ku gaareen qodobo la isla soo dhoweeyey, isla markaana ay dhex-dhexaadinayeen saaxiibada caalamka.
Xoghayaha Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale sheegay in gogosha cusub ee Madaxweynaha ay u arkaan inay carqalad ku noqon karto wada-hadalladii hore, isagoo xusay in Golaha uu arrintaasi ka yeelan doono wada-tashi iyo go’aan.
“Waxaan u aragnaa hadda gogol kale oo la fidiyo inay noqon karto mid lagu carqaladeynayo howshii horay u socotay, kolley Golaha iyo inta ay quseyso tashiyo way yeelan doonaan,” ayuu yiri.
Hadallada Koofi ayaa ku soo aadaya iyadoo dhinacyada mucaaradka ay ku kala aragti duwan yihiin martiqaadka Madaxweynaha, iyadoo qaar ay u muuqdaan kuwo u dabacsan ka qaybgalka shirka, balse aan weli la gaarin go’aan mideysan oo ku saabsan ka qaybgalka gogosha uu Xasan Sheekh ku baaqay.




















