A/Madoobe & Deni oo aan kasooxaadirin shirkii kadhacayay Afisyooni + Sawirro

1144

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, madaxda maamul goboleedyada dalka ee taabacsan & guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa gaaray Teendhada Afisyooni oo uu maanta ka dhacayo shir looga hadlayo is mari-waaga doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in goobta uu shirku ka dhacayo aysan weli tegin madaxda Jubbaland iyo Puntland oo ku sugan xeyndaabka Xalane, kuwaas oo si weyn uga soo horjeedo hannaanka ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso doorashooyinka 2021-ka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweye Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu guddoomiyey kulan horudhac ah oo ka dhacay Afisyooni, kaas oo ay ka qeyb-galeen ra’iisul wasaaraha, hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo duqa magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa ahaa mid horudhac u ah shirka maanta ka dhacaya Afisyooni ee ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka, islamarkaana looga arrinsanayo doorashooyinka.

Shirkan oo ah mid isha lagu wada hayo ayaa waxaa amnigiisa sugayo ciidamada AMISOM oo damaanad qaaday, maadaama uu jiro kala shaki weyn.

Si kastaba shirkan ayaa ka duwan shirarkii hore, maadaama diyaarintiisa & qabashadiisa ay leedahay beesha caalamka oo cadaadis saareyso dowladda & dowlad goboleedyada dalka.