Aadan Abshir Maadey (Bujis) lagu dilay Afgooye

366

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in halkaasi kooxo hubeysan ay ku dileen Nabadoon Caan ka ahaa degmada Afgooye oo lagu magacaabi jiray Aadan Abshir Maadey (Bujis).

Dableyda geysatay dilka Nabadoon Aadan Abshir ayaa la sheegay iney ku hubeysanayeen bastoolado, kuwaas oo Marxuumka dhowr xabadood uga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, xili uu ku sugnaa meel aanan sidaas uga fogeyn Saldhiga degmada Afgooye.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in nabadoonka xiliga la dilaayay uu taagna wadada dhinaceeda isaga oo sugaayay Mooto bajaaj uu raaco, waxaasa la tilmaamay in mootada uu raac islahaa iney kasoo dageen kooxaha hubeysan ee toogtay, kuwaas oo islamarkiiba deg deg uga baxsaday goobta.

Ciidamo ka tirsan Booliiska degmada Afgooye ayaa dilka kadib gaaray goobta lagu toogtay Nabadoonka, kuwaas baaritaano ka sameeyay goobta Marxuumka lagu dilay iyo agagaarkeeda, hayeeshe mala sheegin cid ay usoo qabteen falkaasi dilka ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka Nabadoonka, waxaase la sheegay in Nabadoonka uu ka mid ahaa waxgarad dhawaan ka qeyb galay kulamo looga hadlaayay horumarinta degmada Afgooye iyo munaasabad uu dhawaan xilka kula wareegaayay guddoomiyha degmada Afgooye.