Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo +SAWIRRO

215

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta gelintii dambe soo gaaray magalada Baydhabo ee Caasimadda Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa waxaa garoonka diyaaraha ee Shaati Gaduud ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, labada gole ee dowladda, haweenka, dhalinyarada, barbaarta gaashaaman iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyay Baydhabo isagoo sheegay in magalada Baydhabo maalmaha ay joogaan ay yeelan doonaan kulamo kala duwan.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka mahadceliyay soo dhoweynta loogu sameeyay Baydhabo waxaana uu xusay in maalmaha soo aaddan ee Baydhabo uu ku sugan yahay kulamo la yeelan doono Bulshada qeybaheeda kala duwan.