Aamina Maxamed Mursal oo loodoortay xildhibaan baarlamaan

1024

Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka socota doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana goordhow la doortay kursiga labaad ee doorashada Maanta.

Kursiga HOP#213 oo uu horay ugu fadhiyay Yacquub Cali Maxamed ayaa waxaa Maanta ku tartamay Aamina Maxamed Mursal oo ah la-taliyaha dhinaca Haweenka iyo Aamino Xuseen, waxaase kursiga kusoo baxday Aamina Maxamed Mursal oo heshay Codad dhan 79 Cod halka musharrixii la tartamayey Aamina Xuseen ay heshay codad dhan 12 cod, Waxaana halaabay 6 Cod.

Waxaa goordhow bilaabatay doorashada Kursiga Saddexaad ee doorashada Maanta oo ay ku tartamayaan laba musharrax oo kale.