Aasaasihii Hiiraan Online oo ku geeriyooday Ottawa

154

Aasaasihii iyo maareeyihii shakabada wararka Hiiraan Online oo ah mareegaha ugu da’da weyn ee wararka Soomaalida, Axmed Xaaji Cilmi Guure ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Ottawa ee dalka Canada. ka dib markii uu muddo dheer xanuunsanaa.

Axmed Xaaji Cilmi Guure waxa uu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, sanadkii 1956. Noloshiisii hore waxaa uu kusoo qaatay magaalada Beledweyne. Marxuumku waxa uu waxbarashadiisa badi kusoo qaatay magaalada Muqdisho. Intii uu ku jiray waxbarashadiisa, Axmed Xaaji Cilmi Guure waxaa lagu soo tababaray duuliye diyaaradeed xarunta caanka ah ee Lufthansa Aviation Training Centre oo ku taal magaalada Bremen ee dalka Jarmalka. Markii uu dalka dib ugu laabtay wuxuu ka howlgalay shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airlines.