Abaabulka mooshin culus oo ka socda Garoowe

1594

Mooshin ka dhan ah xubno kamid ah guddoonka sare ee baarlamaanka Puntland, kaas oo maalmihii u dambeeyey la hadal-hayey balse caawa banaanka u soo baxay, markii ay Xildhibaanadu bilaabeen in ay saxiixaan.

Mudanayaal katirsan baarlamaanka Puntland ayaa inoo xaqiijiyey in ay berrito horgeyn doonaan golaha wakiilada mooshinkan, waxayna sheegeen in uu ku wajahan yahay Gudoonka sare qaar kamid ah oo ay ku eedeeyen in ay gudan wayeen waajibaadkooda shaqo.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Mooshinkan uu ku wajahan yahay Gudoomiye kuxigeenada baarlamaanka Puntland, gaar ahaana kuxigeenka 1aad iyo kan 2aad oo labadaba lagu eedeeyey in ay ka shaqeynayaan kala xirmaysiga baarlamaanka.

Ma jiraan faahfaahin dheeraad ah oo ay bixiyeen mudanayaasha, balse warar madax banaan ayaa sheegaya in saxiixeen Mooshinkan 36 xildhibaan, kuwaas oo caawa kulamo ku yeeshay labo guri oo kuyaala magaalada Garoowe oo ay ku saxiixeen mooshinkan.