Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ayaa xabsiga dhigtay abaanduule ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo lagu soo eedeeyay inuu dagaal Beeleed ku lug yeeshay.
Gaashaanle Salaad Tifoow oo ahaa Abaanduulaha Guutadda 7-aad ee ciidamada Xoogga Dalka ayaa lagu xiray amar kasoo baxay Maxkamadda ciidamada markii lagu soo eedeeyay dembiyo dagaal oo ka dhacay dagmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/Hoose.
Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa xubno ay dhowaan Maxkamaddu Ciidamada amartay inay hortagaan Hay’adaha Baarista, kadib lugtii ay ku yeesheen dagaal beeleedkii ka dhacay degmada Wanlaweyn.
Xubnaha Maxkamadu doon dooneyso ayaa ka mid ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanadda Hirshabelle, iyo Koonfur Galbeed, iyo Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee degmada Wanlaweyn.