Abiy Ahmed Oo tagay Khartuum +SAWIRO

1801

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa gaadhay Magaalada Khartoum ee Caasimadda dalka ee Suudaan,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Khartoum kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Golaha Militariga Suudan iyo Mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo ka qaato Golaha Militariga Suudan iyo Isbahaysiga Xooggagga Xoriyadda iyo Is-beddelka, inta uu booqashada ku joogo dalkaas.

Sidoo kale inta uu Magaalada Khartoum ee Caasimadda dalka ee Suudaan ku sugan yahay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu dhex-daadin doonaa hogaamiyayaasha milatariga haya talada dalka Sudan iyo isbahaysiga kooxaha dibad-baxayaasha.

Dhinaca kale Ururka Midowga Afrika ee AU ayaa ku dhawaaqday inay joojiyeen Xubinnimadda dalka Suudaan Kadib, markii ay Milliteriga dalkaasi toogasho ku dileen Tobanaan Dibadbaxayaal ah.

Qoraal la soo dhigay Barta Twitterka ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in la joojiyey inay Suudaan qeyb ka noqoto Hawlaha Midowga Afrika, ilaa laga dhisayo Dowlad Rayid oo ah qaabka keliya ee Suudaan kaga bixi karto Xiisadaha ka taagan dalkaasi.