Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa saacadaha soo socda kusoo wajahan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Wararka ayaa sheegaya in maalinta berri ah uu Abiy Axmed soo gaari doono caasimada dalka, iyada oo haatan ay socoto qaban qaabo ku aadan soo dhaweyntiisa.
Sidoo kale waxaa Muqdisho soo gaaray wafdi hordhac ah oo ka socda Addis Ababa, kaas oo haatan bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus.
Abiy ayaa marka uu yimaado kulamo la yeelan doono madaxda sare ee dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ka wada-hadli doono arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiriirka labada dal iyo heshiiska ay dhowaan gaareen.
Hoggaamiyeyaasha labada waddan ayaa sii amba qaadi doono wada-hadalladooda ku aadan heshiiskii Ankara ee lagu soo afjaray xiisaddii badda, waxaana haatan qorshaha Itoobiya uu yahay inay hesho marin biyood, iyada oo soo mareyso dowladda federaalka Soomaaliya.
Imaashaha ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ee Muqdisho ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhowaan laba jeer uu madaxweyne Xasan Sheekh uu tegay magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay labada mas’uul ku yeesheen wada-hadallo lagu dhameystiray heshiiskii Ankara.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa haatan sameynaya iskaashi ballaaran, kaas oo bog cusub u furayo labada dal, waxaana sidoo kale Itoobiya loo ogolaaday howlgalka AUSSOM