Abwaan Hadraawi oo geeriyooday

370

Waxa magaalada Hargaysa ku geeriyooday abwaankii waynaa ee Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, abwaanka ayaa geeriyooday isaga oo 79 jir ah.

Abwaanka ayaa ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargaysa, oo ay dhakhaatiirtu kula tacaalayeen xaaladiisa caafimaad, wakiilkii hore ee Somaliland ee Ingiriiska Ayaan Maxamud Cashuur oo ay Hadraawi qaraabo dhow ahaayeen, ayaa geerida abwaanka u xaqiijisay warbaahinta.

“Adeero Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi Alle ha u naxariisto … guriga ayuu ku dhintay dhakhaatiirtu halkaasay ku eegeen, hadana dhakhtarka Hargaysa ayaanu keenay si aanu u xaqiijino, markaa labadiiba waa laga xaqiijiyay” ayay tidhi Ayaan iyada oo tiiraanyaysan.
Hadraawi wuxuu ku dhashay gobolka Togdheer ee British Somaliland, (Somaliland-ta maanta) sannadkii 1943 wuxuuna ku barbaaray dalka Yemen, waxaa la aaminsanyahay in uu ahaa mid kamid ah abwaanada ugu waa wayn ee Soomaray taariikhda fanka Soomaalida, iyo ka ugu caansan.

Hadraawi waxa uu ahaa mufikir, suugaanyahan, iyo shakhsi looga hadhay qorista heesaha macnaha leh, heesihiisa ugu caansana waxaa kamid ahaa Hooyo, Saxarla, Balawdweyn, Araxmaan iyo qaar kale oo badan, sidookale waxa uu alifay maansooyin caan ah oo afaf badan lagu turjumay, wuxuuna door la xaadle ka qaatay silsilado maanso oo caan ah, sida Deelay iyo Siinlay.

Hadraawi oo loo yaqaanay Somali Shakespeare ama Shakespearka Soomaalida ayaa intii uu noola waxa uu ku guulaystay bilado caalami ah, iyadoo loo aqoonsanaa in uu yahay shakhsi cilmi iyo macno kusoo kordhiyay suuggaanta.

Geerida abwaanka waxa ka tacsiyooday dad badan ay ugu horeeyso xukuumada Somaliland, madaxda axsaabta mucaaradka iyo dad kale oo caan ah.